xasan-madaxweynaha1-150x150

Xasan Sheekh oo afka qaylo ku shubtay,”Beesha caalamka ayaa i khiyaamaynaysa”.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyey qaabka ay beesha caalamku u maamulayso hanaanka doorashada labada aqal ee ka imaanaya Soomaaliland kadib markii lasheegay in sidii uu rabay ladiidey.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in sababta fashilada ku imaanaya Doorashooyinka ay tahay in Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay dowlada dusha ka saaren culeys aysan ka bixikarin.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in Dowlada Somalia leysugu daray cadaadis iyo culeys Siyaasadeed oo aysan fulinkarin, waxa uuna iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay dowladiisa.

“Waa markii ugu horeysay oo Somalia ay ka dhacdo doorasho noocani ah beesha caalamku waxa ay naga dhigtay dad horay usoo qaban jiray doorasho noocaani ah ma aysan noola dhaqmin sida dowlad curdun ah”.

“Waxaa u sabab ah inaan ku fashilano doorashada Beesha caalamka oo aan ka shaqeyn la’ nahay waayo shaqo ma socon karto haddii ay jirto faragalin”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*