trub

Trump oo dib u dhigay shaacinta Hantidiisa

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dib u dhigay qorshihii uu u ku shaacin lahaa sida uu u kala saari doono ganacsigiisa iyo xilkiisa cusub ee hogaaminta Maraykanka.

Trump ayay ahayd in uu qabto shir jaraaid oo naadir ah Khamiista si uu faahfaain uga bixiyo sidii uu u kala ilaalin lahaa danahiisa shaqsiga ah ee ganacsiga iyo kuwa dalka Maraykanka.

Balse af hayeen u hadlay Trump ayaa sheegay in arrintaas la faahfaahin doono maalinta Khamiista ah.

 

Dhanka kalana Trump ayaa sheegay in uu lataliye sare oo dhanka dhaqaalaha ah ka dhiganayo Gary Cohn oo hogaamiya shirkadda Goldman Sachs.

Gary ayaa hoggaamin doona guddiga qaran ee dhanka dhaqaalaha u qaabilsan aqalka cad. Jagadaas ayaana siin doonta mid ka mid ah codadka ugu saamaynta badan ee Aqalka Cad marka ay timaaddo dhanka dhaqaalaha.

Hogaamiyahan shirkadda Goldman ayaana noqonaya ruuxii saddexaad ee shirkaddaas ka tirsan ee ka mid noqda gollaha wasiirrada ee Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*