tarsan-daawo

Tarsan oo Fariin culus u diray Xildhibaanada cusub+(Aqri)..

Musharax madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Bartiisa Facebooka war uu soo dhigay fariin uga diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee la soo doortay.

Fariinta Tarsan sidan ayay u qorneyd..

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA XILDHIBAANADA CUSUB EE LOO SOO DOORTEY BARLAMAANKA DFS.

Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo masuuliyadda dusha la idiin saarey oo shacabka Somaaliyeed aad u heysiin. Si kastaba ha la idinku soo doorto, si kastaba ku imaada meesha aad maanta jogtaan hal arin ayaad ka simantihiin una simantihiin taas oo ah sedexda arin oo la idinku dhaarindoono.

Waxaad ku dhaarandontaa Illahay hortiisa sedex magaca oo ah ” WALAAHI” BILAAHI” TALAAHI” in aan ka shaqeyndoono ” DANTA DADKA” “DALKA” DIINTA” dhartaas waxaa marqaati ka ah Illaahaga na abuurey oon dib ugu noqondoono iyo shacabka Somaaliyeed. Dhaartaas waxey buruneysaa dhaar kasta oo aad hore ugu soo martey shaqsi raba in uu dantiisa gaarka ah ku gaaro.

Waxaan idinku baraarujini in marka aad codeyneysiin oo aad ku jirtaan qolka yar ee aad warqada ku xareyqeysiin in aad ogataan in qolkaas la midyahay qabriga labada miter ah oo uusan jirin qof kula jooga inta aan aheyn adiga iyo Illaahagii aad ku hor dhaaratey. Illaahey iyo shacabka Somaaliyeed waxey kaa sugahayaan in aad fulisaan waxaad ku dhaarateen oo ah Danta Dalka, Dadka Diinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*