nuux

Sawirro: Xildhibaano Kuraastooda la laalay oo Shahaadooyin la siiyey

Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacday Xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 46 Xildhibaan oo ka mid ah Labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo lagu soo doortay Magaalada Jowhar.

Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa qaadacay go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka ee ay ku laaleen labo ka mid ah kuraastii lagu doortay magaalada Jowhar, kaas oo Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal uu diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii ay ku soo baxeen.

Labada xubnood ee ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka diideen natiijadii ay ku soo baxeen ayaa waxa ay kala yihiin Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo C/casiis Saalax Carmaan oo labadaba ka mid ahaa 11-kii kursi ee ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka.

Beesha Caalamka ayaa horay u qaadacday Doorashada Wasiir Nuux, waxaana ay ku tilmaameen doorasho aanay u dhicin qaab sax ah, maadaama horay Guddiga Doorashooyinka go’aan uga soo saareen oo ahaa in gebi ahaanba Tartanka laga joojiyay.

carmaan

nu

nuux

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*