unflag

Qaramada Midoobay oo shaacisay hadal ay ka damqadeen Soomaalida

Ku Xigeenka Danjiraha Qaramada Midoobay, ahna Xiriiriyaha Hawlaha Bini’aadannimo ee Dalka Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto abaaraha baahsan ee haatan ka jira qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Xiriiriye Peter de Clercq, ayaa waxuu shaaca ka qaaday in abaaro xoogan ay ka jiraan Degaanada kala duwan ee hoostaga Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Mr. Peter de Clercq oo ka hadlayay Magaalada Nairobi ayaa waxuu u sheegay Beesha Caalamka in abaaraha ka jira Degaanada Soomaaliland iyo Puntland ay haatan ku fideen Koonfurta iyo Bartmaha Dalka Soomaaliya.

Waxuu cod dheer ku sheegay in Shacabku ay yihiin ku dhibaateysan, islamarkaana xaalada ay ka sii dareyso, loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto abaarahaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Shacabka aysan heysan Cuno iyo Biyo, waxuuna shaaciyay in helitaanka gargaar bini’aadannimo loo baahan yahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaarahan xoogan ay sababeen roobabkii loo baahnaa oo aan ka di’in degaanada hoostaga Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Ugu dambeyn, qoraal dhawaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay %40 Shacabka Soomaaliyeed aysan heyn wax ay cunaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*