hqdefault

Muddo kadib, Al Shabaab oo weerar toos ah ka fuliyay Magaalada Muqdisho

Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa Weerar xoogan oo ka dhashay khasaaro kala duwan waxey ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa Al Shabaab waxey ka geysteen Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho, xili halkaasi ay howlgallo xoogan ay ka wadaan Ciidamada huwanta.

Goobjooge la hadlay Idaacad ku taalla Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in weerarka uu isku badalay Dagaal toos ah, islamarkaana uu qaatay ku dhawaad hal-saac.

Iska horimaadka Xalay dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan weli la cayimin.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab weli wax hadal ah kama aysan soo saarin Dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*