francisco-madeira

Midowga Afrika oo sheegay in labo QODOB ay ku taageerayaan Maamulka Hirshabelle (Akhriso QODOBADA)

Danjiraha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa waxuu balan qaaday in taageero xoogan ay siin doonaan Maamulka Hirshabelle.

Danjire Francisco Madeira ayaa waxuu carabka ku dhuftay in Maamulka Hirshabelle ay ka taageeri doonaan dib u dhiska waddooyinka iyo sugida amaanka Degaanada hoostaga Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mr. Francisco Madeira ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in Ururka Midowga Afrika uu ku dadaali doono sidii Shacabka ay wax soo saar uga sameyn la haayeen beerahooda, islamarkaana ay u suuq geyn la haayeen.

Wakiilka Ururka Midowga Afrika  ayaa waxuu booqasho ku tagay Magaalada Jowhar, waxuuna halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arimo muhiim ah oo ku saabsan dib u dhiska waddooyinka iyo sugida amaanka degaanada uu ka arimiyo Maamulkaasi.

Danjiraha ayaa sidoo kale Magaalada Jowhar waxuu kula soo kulmay Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kan Xooga Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Degaanada ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa mararka qaar weeraro gaadmo ah lagula qaadaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*