are-696x464

kulan looga hadlayay Abaaraha Soomaaliya oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho

Kadib kulan Afartii cisho ee la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho loogana hadlayay arrimaha beeraha iyo Abaaraha ka jira dalka ayaa waxaa maanta soo xiray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyadoona uu ka hadlay arrinta abaaraha oo ah tan ugu daran ee ka taagan guud ahaan Soomaaliya.

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in abaartani ay dad badan  iyo duunyo intaba u baabe’een.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Carte ayaa intaas ku daray in  abaartaan aysan ahayn middii ugu horreysay ee Soomaaliya ka dillaacday balse tani ay ka daran tahay kuwaasi maadaama 50% wax ka yar oo Roobab ah ay ka da’een meelaha qaar taasina ay dhibaato hor leh ay u horseedi karto wax soo saarka Dalagyada dalka .

Kulankaan looga hadlaayay arrimaha Abaaraha oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha Bulshada , xubno ka kala socday Maamul Goboleedyada dalka , Xubno labada Gole ee dowladda ka tirsan ayaa waxa uu ku soo beegamaya iyadoo abaaro aad u xun ay ka jiraan gebi ahaan dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*