doorasho-1

Doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug ayaa saaka ka dhacday degmada Cadaado,

Doorasho dhacday saaka 8-dii subaxnimo waxaa kursiga Beesha H/gidir, gaar ahaan Cayr Bari ku guuleystay C/xakiin Macalin Axmed oo helay 40 cod.

Kursiga uu ku guuleystay C/xakiin Macalim Axmed oo ahaa Wasiir ka tirsan GalMudug ayaa waxaa ku fadhiyay Cabdisamad Mcalim Mxamuud oo horana u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha. Cabdisamada ayaa kamid ahaa murashixiinta tartanka isaga haray ka hor inta aan doorashadu bilaaban.

Sidoo kale Xuseen Weheliye Cirfe oo ah gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa kamid ahaa murashixiinta kursigaan isu soo taagay ee haddana ka tanaasulay.

C/xakiin ayaa ah nin ka soo jeeda bahda waxbarshada oo ay mudda dheer ay saaxiib dhaw ahaayeen Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynaha Galmudug.

Doorashada Kursiga labaad ee maanta la qabtay oo ahaa Kursiga Beesha Shiikhaal Loobagi ayaa waxaa ku soo baxay Cali Axmed Shariif (Cali Yare), isagoo helay 49 cod, waxaa uu ka guuleystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo C/risaaq Axmed.

Cali Yare oo ah nin dhalinyaro ah ayaa cilmiga siyaasada ku soo bartey wadanka UK, waa nin aad u fir fircoon.

Labada Kursi ee maanta la doortay ayaa tirada xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug waxay ka dhigeysaa 32 kursi, waxaana u harsan afar kursi oo lagu wado in maalmaha soo socda la soo dhameystiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*