capture

DEG DEG: Al Shabaab oo laga saaray Degmada…..

Wararka laga helayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen Halkaasi.

Xoogaga Al Shabaab ayaa isaga baxay Degmada Ceelwaaq inta aysan soo gaarin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya.

Degmada ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Korneel Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidmada Dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxuu sheegay in Al Shabaab ay dib uga baxeen Magaalada Ceelwaaaq.

Xaalada ayaa dagan waxaana laga cabsi qabaa in Degmada markale ay soo weeraraan Xarakada Al Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*