lipu_5-1

Daawo Sawirradda:Ciidamada dowlada Siiriya iyo maleeshiyaad wehliya ayaa shalay la wareegay inta badan magaalada Aleppo

Ciidamada dowlada Siiriya iyo maleeshiyaad wehliya ayaa shalay la wareegay inta badan magaalada Aleppo ,kadib markii halkaasi ay ka baxeen dagaalyahanadii dowlada kasoo horjeeday oo mudo badan magaaladaasi ka dagaalamayay.

Muuqaalo Warbaahinta caalamiga baahiyeen ayaa muujinaya Ciidamada dowlada Siiriya oo inta badan la wareegay xaafado ay ka dagaalameen dagaalyayhanada Mucaaradka, waxa ayna Ciidamada markii ay galeen inta badan Aleppo ay halkaasi ka bilaabeen Dabala degyo.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladsa Aleppo gaar ahaan xaafadaha lala wareegay ayaa bilaabay in ay banaanka usoo baxaan ayna taageero u muujiyaan ciidamada Siiriya ee magaalada Qabsaday, waxa ayna dadkan ka baqayaan in ay ciidamada Waxyeelo kasoo gaarto.

lipu_2

 

lipu_4

 

Ciidamada Siiriya ayaa ku adkaatay in ay qabasdaan magaalada Aleppo ama Xalab , waxaana magaaladaasi mudo badan ka socday dagaalo lagu kala adkaan waayay, waxaana magaalada u muuqataa mid inta badan bur burtay.

Magaalada Aleppo ayaa lasoo sheegayaa inta badan ay hada maamulayaan Ciidamada dowlada Siiriya iyo maleeshiyaad taageersan, waxaana ciidamada deeganada cusub qabsaday lagu eedeeyay in ay dileen dad ay ku eedeeyeen in ay taageersanaayeen Dagaalyahanada Mucaaradka ah.

lipu_5-1

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*