qarax-2

Faah faahin ismiidaamin lagu qaaday Dekada Muqdisho & Qasaaro ka dhashay..

Rasaas xoogan ayaa wali laga maqlayaa dhanka Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ka dib qarax wax yar ka hor halkaasi ka dhacay.

Goob jooge ka agdhawaa goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in Qaraxa uu ahaa mid lagu dhex qariyay Gaari Kontenar oo galayay Dekada Muqdisho kuna qarxay afaafka hore eeirida laga galo Dekada.

Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo askartii ilaalada u ahayd Dekada.

Ciidamadaa amaanka ayaa goobta xiray,waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah,gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa qaadaya dadka waxyeelada qaraxa uu ka soo gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*