shiih-aadan

Yaa ku Soo Baxay Doorashadii Aqalka Hoose Ee ka Qabsoontay Baydhabo

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kamid ah xildhibaanada muddo dheer ku soo jirtey baarlamaanka Soomaaliyeed marna soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 49 cod oo gacan taag ah kadib markii musharixii la tartamayay  Faadumo Maxamed Axmed ay tanaasushay.

Kursiga uu ku guuleystey xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe ayaa ah kursiga beesha Hadamo/ Shirmooge.

Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose iyadoo kuraasta ugu badan ee Aqalka Hoose lagu soo dooranayo magaalada Baydhbo.

02-29

 

03-26

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*