zakariye-170x114

Xog:Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo labo u kala qeybsamay, qoraalo is burinaya oo ka soo baxay

Guddiga madaxa banaan ee xalinta Khilaafaadka droorashooyinka ayaa labo u kala qeybsaday, kaddib markii saacadihii la soo dhaafay uu ka soo baxay qoraalo is burinaya oo jahwareer geliyay hanaanka doorashada dadban ee ka socda deegaanada maamul goboleedyada.

Xalay ayaa qeyb ka mid ah gudiga madax banaan ee xalinta khilaafaadka ee fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa waxay soo saareen warqad ay go’aan kaga gaareen dood ka taagneyd mid ka mid ah Kursiga Beesha Waceysle oo ahaa Kursiga Absuge, kaasoo ay sheegeen in kursigan uu yahay midka ay ku tartamayaan ragga, isla markaana kursiga kale ee Beesha Cali Gaaf uu ahaa mid ay haween ku tartami lahaayeen, balse uu ku guuleystay rag.

Saacado kaddib ayaa warqad kale oo ka soo baxday Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka C/risaaq Barre Jaamac ayaa lagu sheegay in aanu jirin go’aan guddigu gaaray, isla markaana uu socdo baaritaano ay ku hubinayaan cabashooyin la xiriira in la musuq maasuqay kuraas ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka.

“Guddiga waxaa uu u ku wargalinayaa dhamaan inta ay khuseyso dacwadaha aan gacanta ku heyno, in Guddigu uusan weli dacwadahaas go’aan ka gaarin. Muddo dhaw wuxuu Guddiga MXKHDD wuxuu
bilaabayaa dhageysiga dacwadaha, dhinac walibana waxaan siineynaa fursad uu isku difaaco”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka

Sidoo kale waxaa uu sheegay  inArrimaha la xiriira Qoondada Haweenka ee 30% oo ay go’aamisay Madasha Hoggaanka Qaran, iyo Guddiga MXKHDD waxa uu go’aan ka gaarayaa dacwadaha ay soo gudbiyaan Musharrixiinta Dumarka ah oo kaliya.

Si kastaba ha ahaatee qoraalada is-daba jooga ee ka soo baxaya xubnaha Guddiga iyo Madaxa Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxay abuuri karaan xasilooni la’aan ku aadan doorashooyinka ka socda dalka oo ay ka soo baxayaan cabashooyin hor leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*