al-shabaab-1

XOG: Shabaab oo qorsheynaya Qaraxyo Halis ku ah goobo cayiman ku yaalo..

Ururka Al-shabaab ayaa isku uruursanaya deegaanka buula fulaay oo ka tirsan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Somalia Xasan Max’ed Cabdi oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Al-shabaab ay hada qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan magaalooyin ay ka mid tahay Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbed.

Wuxuu sheegay in Al-shabaab ayaa deegaanka ka soo abaabulayaan weeraro qaraxyo gaari loo adeegsanayo,isagoo hoosta ka xariiqay in Al-shabaab damacsan yihiin iney dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Shabaab markii ay ku fashilmeen in weeraro carqaladeyn ah ka geystaan Muqdisho ayay u soo weeciyeen maamul Goboleedyada dalka.

Ururka Al-shabaab ayaa hada qorsheynayo weeraro loo maleynayo iney dhibaato ku noqon karaan doorashada dalka ka socota.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*