XOG: Rajada Madaxweyne Ee Cumar C/rashiid Oo Sare u Kacday

Musharrax madaxweyne Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xilligaan aad u qaba rajo ah inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee soo socoda, waxaana jirta codad dheeraad ah oo uu helay.

Ilo wareedyo aynu kalsooni ku qabno waxay xaqiijiyeen in Cumar uu codad dheeraad ah ka helay xildhibaanno kasoo jeeda K/galbeed, isaga oo horey u heystay codadka Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale Cumar ayaa si xod xodasho ah waxa uu codad kaga doonayaa xildhibaannada Hirshabelle iyo Galmudug, walow kuwaasi lagu tirinayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa suurtagal ah in Xasan Sheekh ama Cuamar C/rashiid midkood yimaado, walow Cumar hadda dardar xooggan uu ku socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*