al-shabaab-1

XOG: Nolosha Xildhibaanada cusub oo halis ku jirta & Shabaab oo hanjabay

Ururka Al-shabaab ayaa bilaabay iney u hanjabaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo hada badi ku sugan Muqdisho.

Mid ka mid ah Xildhibaanada cusub oo diiday inaan inaan adeegsano magaciisa ayaa inoo sheegay soo waceen ururka Al-shabaab una sheegeen inuu faraha kala baxo wuxuu ku jiro, islamarkaana ay dili doonaan hadii uu ka madax adeego.

Wuxuu sheegay in mudo 30-daqiiqo ah uu la hadlayay shaqsi soo wacay uusan garaneyn ayaa loogu hanjabay, islamarkaana loogu goodiyay ineysan jirin meel lagaga baxsan karo Al-shabaab oo meel kasta ay si fudud u geli karaan qofkii ay u baahdaana si fudud ku heli karaan.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Jawaabta qura uu siiyay ay tahay” Nafta kasta oo dunida ku nool ay leedahay waqti, waqtigaasina dhaafi karin”.

Ururka Al-shabaab ayaa horay dil iyo dhaawac ugu geystay Xildhibaanadii waqtigooda idlaaday, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen iney ka shaqeynayaan dano shisheeye.

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ayaan lahayn ilaalo wanaagsan oo ka dhicin kara weerarada kaga yimaada Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*