capture

XOG: MD Guuleed oo ku soo korortay hal arin oo ku qasbeysa inuu xilkiisa si deg deg ah ku wareejiyo..

Ilow ku dhow madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa inoo sheegay in mas’uulka uu wado dhaqaaqii ugu danbeeyay uu xilka ku wareejin lahaa.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegayaa inuu ku sii siyaayado xanuunka dhanka wadnaha oo dhawaan qaliin looga sameeyay.

Madaxweyne Guuleed ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda maamulka Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,isagoo kala hadlaya in la adkeeyo maamulka iyo waliba hanaanka wanaagsan uu hada ku shaqeeyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne Guuleed uu xilka si KMG ah ugu wareejinayo madaxweyne ku xigeenka ka hor intuusan sanadkaan idlaan.

Dhaqtarka gaarka ah ee C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay in mudo uu ka nasto siyaasadda,maadama laga yaabo in hadii uu ku sii jiro siyaasadda dhibaato u keeni karto caafimaadkiisa.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa doorasho ka dhacday magaalada Cadaado ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha maamulka Galmudug oo musharaxiin badan ay ku loolamayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*