capture

XOG: MD Guuleed oo ku biiray olole ka dhan Beesha Mudulood..

Madaxweynaha xilka ka degaya ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la ogaaday in si hoose ugu biiray ololaha loogu magacdaray (No More Abgal),kaasi oo ujeedkiisu yahay in mar kale madaxweyne loo dooran shaqsi ka soo jeeda Beesha Abgal.

Ololahan ayaa waxaa hormuud ka ah siyaasiyiin caan ah oo musharaxiin u taagan xilka madaxtinim ee dalka,kuwaasi oo badi ka soo jeeda deegaanada Puntland iyo Jubba Land.

Waxaan si gaar ah ololahan u horkacaya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo la aamisan yahay inuu dhuun gal ku yahay musharaxnimada Xasan Sheikh.

Sidoo kale,Ololahan ayaa waxaa la sheegayaa iney ku biireen C/kariin Xuseen Guuleed iyo Sanbaloolshe oo ku heshiiyay in shaqsi danbe oo beesha mudulood ah madaxweyne loo doorto.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu eedeynayaa inuu wax badan ka qaban waayay xaalada Soomaaliya oo hada mareyso meel Xasaasi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*