top-secret2-4

XOG: Cumar C/rashiid Iyo Musharrax Jibriil Oo Is Fahmay

Xog hoose aan helnay ayaa waxay sheegeysaa in xilligaan ay is fahmeen musharraxiinta kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo sidoo  kale Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Labada Musharrax oo mid walbo rajo aad u wanaagsan ka qaba inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee soo socda, ayaa hadana wararka waxay sheegayaan in ay si hoose u kulmeen.

Arrinta ugu weyn ayaa ahayd in marka hore la iska saacido arrinta doorashada, haddii midkood uu soo gaaro wareegga dambe in midka kale codadka uu hayo ugu shubo.

Waxa kale oo lagu heshiiyey ayaa waxay tahay in haddii Jibriil uu noqdo Madaxweyne uu Ra’iisul wasaare ka dhigo Cumar C/rashiid, haddii Cumar helo isagana uu Ra’iisul wasaare ka dhigo Jibriil.

Waxaa socda is fahamka hoose ee musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee Soomaaliya, waxaana shaqsi walbo uu doonayaa inuu isaga hanto Kursiga Villa Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*