madaale-500x334

XOG CULUS: Guddoomiye Madaale oo wada qorshe halis ku ah Musharaxiinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wuxuu wadaa qorshe halis amni ku keeni kara musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

Guddoomiye Madaale ayaa waxuu shaaciyay in uu wado qorsho dhagxanta difaaca ah looga qaado wadda walba oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Waxuu sheegay in bilicdi Muqdisho ay wax badan u dhimeen dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka ugu muhiimsan Caasimada Soomaaliya.

Talaabada Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta Guryo Magaalada Muqdisho ay ka dagan yihiin Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo.

Musharaxiinta ayaa guryahooda waxaa ku go’an dhagxaan iyo difaacyo kale si ay u sugtaan amaankooda.

Balse hadii laga qaado difaac guryahooda, waxaa dhici kara sida la aaminsan yahay weeraro qorsheysan oo laga yaabo in xitaa naftooda ay ku waayaan.

Qorshaha Guddoomiyaha Gobolka ayaa lagu tilmaamay mid siyaasadeysan oo uu wato Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*