xasan_yaaban_wareeray-2

Xasan Sheekh Oo Xaaladda Ku Xuntahay, Xildhibaanno Badan Oo…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna musharrax Madaxweyne waxaa iminka soo galay walwal ah in uusan markale kusoo laaban Villa Soomaaliya, kadib markii la sheegay in uu waayey xildhibaanno uu ku tashanayey.

Ku dhowaad 20 xiildhibaan oo markii hore Xasan Sheekh ku garab ahaa ayaa la sheegayaa in markaan ay dhankooda ka baxeen, islamarkaana Xasan waxaa soo wajahay cabsi daran.

Xildhibaannadan oo aan la ogeyn waxa ay qoonsadeen ayaa hadana xog aynu helnay waxay sheegeysaa iney u sheegeen Xasan Sheekh in aysan codkooda siin doonin.

Xasan ayaa weli waxa uu ka baqayaa iney soo baxaan xildhibaanno kale oo aan isaga dooran, waxaa haya walwal aad u badan, waxaana uu ka baqayaa in meesha laga saaro.

Olole xooggan ayuu wadaa madaxweynaha, waxaana uu adeegsanayaa wax walbo oo uu u arko inuu ku heli karo codad badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*