img_20161210_1015251-1

Xaalad cakiran oo ka taagan Gaalkacyo & G/mudug oo eedeysay P/land..

Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee Puntland Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wali cakiran tahay xaalada magaalada Gaalkacyo una fulin heshiiskii sidii loogu talagalay.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Xirsi in wali xiran yahay Suuqa Gaalkacyo oo ay ku wada sugan yihiin Ciidamo kala taabacsan Puntland Galmudug oo mararka qaar rasaas isku ridaya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee hada Gaalkacyo ka jirta ay tahay Suuqa weyn oo labo dhinac u qeybsamay oo ay ku sugan Ciidamada labada dhinac,kuwaasi oo isku jeeda rasaasna isku ridaya.

 

Puntland iyo Galmudug ayaa u muuqda kuwo ka caga jiidaya iney si dhab ah u fuliyaan heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo ee ugu muhiimsaneyd in la kala qaado ciidamada is hor fadhiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*