capture

XAAD” Shacabka Muqdisho go’aan lama filaan ayay qaadan doonaan” + (Akhri)

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay go’aankii madasha ay kuraasta dheeraadka ah ku siisay Maamul Goboleedyada dalka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Gobolka Banaadir lagu qadiyo.

Wuxuu sheegay Nabadoonka in maqaamkii Muqdisho uu lumay,islamarkaana madaxda dalka ay iska dhega tireen baaqyadii kala duwan ee ka soo baxay Shacabka iyo Waxgaradka Muqdisho.

Nabadoon Xaad ayaa shaaca ka qaaday in ay yagleeli doonaan Maamul Cusub oo uu yeelanayo Gobolka Banaadir.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay ineysan aqbali Karin maqaam la’aanta la dhigay Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin seddex milyan oo qof

Hadalka Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa imaanaya maalin kadib markii Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha  Qaran.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo difaacayay maqaamka Shacabka Gobolka Banaadir ayaa sheegay iney wadaan qorshe maamul ugu sameynayaan Gobolka Banaadir oo laga tagay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*