Arimaha Bulshada

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada 11-ka Xubnood ee Puntland ku matalaya Aqalka sare

faro_7

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Garawe waxa ay ku doorteen xubnaha maamulkaasi ku talaya aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaraya 11-xubnood. Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ay doorteen waxaa ku jira Siyaasiyiin caan ah ay ku jiraan Ra’usul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Siyaasiyiin kale. Xubnaha Puntland ku matalaya aqalka ...

Read More »

Gaalkacyo oo Maanta markale dagaal ka dhacay

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo Maanta uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hadda yara degen,waxaana Mararka qaar la Maqlayaa Rasaas Goos Goos ah. Dagaalka Maanta ayaa waxaa Berber socday Duqeyn Labada Dhinac ay is weydaarsanayeen,waxaana Madaafiicda ay isku ridayeen Labada Dhinac ay ku dhaceen Goobo ka baxsan Aagga uu dagaalku ka ...

Read More »

RW Sharmaarke iyo Siyaasiyiin kale oo kamid noqday Aqalka Sare ee Soomaliya

cumar

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta Guda galay u Codeynta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland ka soo galaya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Illaa Shan Murashax oo u Tartamayay Aqalka sare ayaa soo baxay,waxaana ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Xildhibaan Jurile, Farxaan Cali Xuseen iyo Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere. Baarlamaanka Puntland ayaa ...

Read More »

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada 8-da Xubnood ee Jubbaland ku matalaya Aqalka sare

jubaland-150x150

Baarlamaanka Maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ku doortay sideeda xubnood ee ku matalaya Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kuraasta Aqalka sare waxaa ku tartamayay musaharxiin dhoor ah, waxaana xubnaha laga adkaaday kuna guul dareestay in ay kamid noqdaan Aqalka sare kamid ahaa Siyaasiga Caanka ah Maxamed Cabdi Gaandi oo horey usoo noqday Wasiirkii ...

Read More »

Musharixiinta Aqalka sare ee Maamulka Puntland oo jeediyey khudbadahooda

Moorgan

Baarlamanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta magaaladda Garoowe ka bilaabay dhegaysiga khudbadaha musharixiinta u tartamaya xubinimadda Aqalka sare. Musharixiinta aqalka sare u taagan oo tiradoodu gaareyso 29 xubnood ayaa khudbadahooda ka hor jeedinaya xildhibaanada Baarlamanka Puntland. Wuxuu soo bandhigayaa musharax walba aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo waxqabadkiisa ku aadan u adeegida bulshadda. Maalinta beri ah ayaa la filayaa in baarlamannka maamulka ...

Read More »

Wariye ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera oo lagu xiray magaalada Muqdisho

al-jazeera-logo

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay magaalada Muqdisho ku xireen Wariye katirsan Telefshinka Caalamiga Al-Jazeera iyo labo Sawir qaade oo la shaqeenayay Wariyaha la xiray. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fataax Cumar Xalane ayaa Idaacad kutaala magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in la xiray Wariye Hamza Maxamed oo u shaqeenayay Telefishinka Al-Jazeera iyo labo sawir qaade oo la shaqeenayay. Xalane ...

Read More »

CADEYN: Dowladda Ethoipia oo sheegtay in laga heshiiyey Colaada Gaalkacyo

Gaas iyo guuleed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay Heshiis hor dhac ah kala dhex dhigtay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku Dagaalamay Magaalada Gaalkacyo islamarkaana Ciidamada Labada Maamul ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Gaalkacyo. War Qoraal ah oo la sheegay inuu ka soo baxay Wasaaradda Amuuraha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Heshiiska ay Garwadeenka ka tahay Itoobiya Labada ...

Read More »

Faah-faahin laga helayo khasaaraha weerarkii Afgooye iyo Masuuliyiin geeriyootay

Qarax

Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa saaka degan ka dib markii shalay galab uu ka dhacay dagaal aad u culus oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-shabaab oo halkaas weerar isugu jiray isqarxin iyo dagaal toos ah ku soo qaaday, iyagoo muddo koobana la wareegay degmadaas. Ciidamada dowlada oo xalay dib ugu laabtay degmada Afgooye ayaa halkaas ka wada ...

Read More »

DEG DEG: Al-shabaab oo ka baxay Degmada Afgooye

afgooye2

War hadda naga soo gaaray Magaalada Afgooye ayaa sheegaya in Al-shabaab ay iskaga baxeen Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoogeyaal ayaa sidoo  kale noo xaqiijiyay in Xaafado ka mid ah Magaalada Afgooye ay yaalaan Meydad ku dhintay Dagaalkii ka dhacay Degmada Afgooye. Dhanka kale Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegtay in Magaalada Afgooye ay Gacanta ku hayaan Ciidamada ...

Read More »

Alshabaab Oo Gudaha u galay Magaalada Afgooye

warshadda-gallayda-640x360

Dagaal culus ayaa ka dhacay degmada Afgooye oo 30 km dhinaca konfureed uga beegan caasimadda Muqdisho. Dagaalamayaasha Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay gudaha u galeen magaalada. Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhig ay daganaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya. Dabley aad u hubaysan ayaa markaa dabadeed weeraray dhawr saldhig ...

Read More »