Arimaha Bulshada

Siyaasi Caan ah oo Kismaayo loogu dooratay kamid noqoshada Aqalka Hoose

gaandi

Siyaasiga Maxamed Cabdi Gaandi ayaa ku guuleystay saaka doorashada xubnaha aqalka hoose ee maamulka Juballand oo ka socota maalintii afaraad magaalada Kismaayo. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa ka guuleystay nin ay isku beel yihiin oo ay ku tartameen doorashada xubnaha aqalka hoose. Gaandi ayaa dhowaan looga guuleystay doorashadii xubnaha aqalka sare ee Juballand oo uu u tartamay, waxayna arintani jebineysaa go’aan ...

Read More »

Xoghayaha Guud ee QM oo Danjire Yuusuf Garaad waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay

yusuf-garad

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ka guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee Wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda Yuusuf Garaad Cumar Axmed. Xoghayaha Guud iyo Safiirka oo kulan ku yeeshay Xaruunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York, ayaa ugu horreyntii uga waramay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ...

Read More »

Ciidamo gadoodsan oo saaka qabsaday xaruntii doorashada xubnaha aqalka hoose ee Kismaayo

kismayo_somalia

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubballand ayaa saaka muddo kooban qabsaday xaruntii doorashada xubnaha aqalka hoose Jubbaland ee magaalada Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada hubeysan ay isku gedaameen xaruntaas iyagoo is hortaag ku sameeyey ergooyinka dooranaya xubnaha aqalka hoose oo saaka xaruntaas geli lahaa. Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushahar la’aan dhowr bilood heysata iyo daryeel xumo, waxayna ...

Read More »

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo Xal rasmi ah u raadinaya Colaada Gaalkacyo

Gaas iyo guuleed

Wada hadalo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka bilaabanaya magaalada Gaalkacyo, kaasoo xal buuxa looga gaarayo colaadii todobaadyadii la soo dhaafay ka jirtay galbeedka magaalada. Labada Madaxweyne oo shalay gaaray Gaalkacyo ayaa xalay ku kala hoyday labada dhinac ee magaalada, waxaana wada hadalada maanta ay yeelanayaan goob joog ka noqonaya Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wakiilka Qaramada ...

Read More »

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo lagu eedeeyey inuu Musuq-maasuqey Doorashada Baydhabo

nuuraani

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyey in doorashada aqalka hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo uu ku sameeyey musuq-maasuq iyo wax isdaba marin. Afhayeenka Golaha Siyaasiyiinta Da’da yar ee Koofurta Soomaliya Maxamed Nuur Cali (Nuuraani) oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursiga ay leedahay Jifadiisa, ...

Read More »

Guddi Xal u raadinaya Colaada Gaalkacyo oo lasoo dhaweeyey

gaalkaco

Guddi dhexdhexaadin ah oo ka socda Golaha Abaanada Soomaaliyeed islamarkaana ku baxay Joojinta Colaadda Gaalkacyo ayaa Maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo. Wafdiga ayaa ku hormaray Dhanka Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland,waxaana halkaas ku soo dhaeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaar ka mid ah Bulshada ku nool Waqooyiga Gaalkacyo. Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi dhuux  Maxamed Weheliye oo hor kacaya ...

Read More »

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacowday Faransiiska oo waraaqihii aqoonsiga laga gudoomay

ali-shariff-1-640x427

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Faransiiska Danjire Cali Shariif Axmed, kaasoo xaruntiisa noqoneyso magaalada Paris. Munaasabad kooban oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Paris ee Élysée Palace ayaa danjire Cali Shariif Axmed waxaa uu Madaxweyne Hollande ugu gudbiyay warqadihiisa aqoonsiga iyo dhambaal uu ka siday madaxweyne Xasan ...

Read More »

Obama iyo Trump oo Ku Kulmay Aqalka Cad

obama Trump

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha la doortay Donald Trump. Kulankan ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhowaad 90 daqiiqo. Sidoo kale waxaa booqashada ku weheliyey Mr. Trump xaakiisa Melania Trump, waxaana soo dhoweysay Michelle Obama.   Dhinaca kalena waxaa halkaasi ka hadlay Mr Trump oo sheegay in ...

Read More »

Mareykanka oo Qirtay in Duqeyntii uu ka Geystay Mudug uusan Shabaab ku dilin

marayeykan

Taliska Mareykanka ee Afrika ku sheegeen in weerarkii lagu qaaday duleedka Gaalkacyo 28-kii bishii September ee sanadkan aanu ahayn mid Al-Shabaab lagu beegsaday, sida ay markii hore Mareykanku ku andacoonayeen. Mareykanka ayaa tilmaamay in maleeshiyo deegaanka aha oo aan Shabaab aheyn weerarkaasi lagu dilay, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters. Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ...

Read More »

”SAWIRRO” Khasaare ka dhashay Rabshadaha ka socda Wadanka Maraykanka

rab2

Dibed-baxyada looga soo horjeedo Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku sii xoogaystay Wadankaasi Maraykanka. Dibed baxyada ka dhacaya meelaha qaarkood oo ahaa kuwo nabadeed ayaa waxay isu bedeleen kuwo rabshado wata oo ay fooda isku dareen dad careysan iyo Booliska, waxaana la gubay gaadiid iyo dhismayaal. Shan qof oo ka tirsan dibed-baxayaasha diidan madaxweynaha la doortay ayaa ...

Read More »