qur1

War naxdin leh & meel ka tirsan Somalia oo mar qura 30-ruux ku geeriyootay..

Wararka naga soo gaaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dad ay u geeriyoodeen Cudurka shuban biyoodka ee halkaasi ka dilaaacay.

Ku dhawaad 30 ruux ayaa u geeriyootay Cudurkaasi Shuban Biyoodka oo isugu jira Carruur iyo dad da’ ah.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax , tuulooyin ku teedsan degmada Mahadaay ayuu fara ba’an waxaa ku haya Cudurkaasi Shuban Biyoodka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Mahadaay ayaa Carabka ku dhuftay in ay gurmad u fidiyeen dadka uu soo ritay Cudurkaasi Shuban Biyoodka welina ay u baahan yihiin taageero samo fal ah.

qur1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*