capture

War deg deg ah-Madasha qaran oo war saxaafadeed soo saaray iyo 11 xildhibaan oo ladiidey.

Madasha qaran ee doorashada Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyey ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa waxa ay saqdii dhexe ee xalay so saareen war saxaafadeed ay kaga hadlayeen doorashada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in 11-kii xubnood ee gudiga xallinta khilaafaadku ay doorashadooda laaleen dib loosoo dooran doono.

Waxaa sidoo kale laysku afgartay in 11-kaas xubnood doorashadoodu ay u dhici doonto hanaan ka duwan sidii hore, iyadoona ay ka qaybgelayaan tartanka xubnihii awal laga joojiyey.

Madasha ayaa sheegtay in 27ka bishaan ladhaarin doono xildhibaanada cusub ee barlamaanka Soomaaliya, inkastoo aysan shaacin waqtiga rasmiga ah ee doorashada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*