hare-hhhhhhhh

Wafdi uu hoggaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Cadaado

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mechiel Kiting iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta maamulka Galmudug.

Wafdiga Ambassador Kiting ayaa Madaxtooyada maamulka Galmudug kula kulmay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulkaasi Galmudug.

Markii uu soo idlaaday kulanka oo aan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee la iskula soo qaaday ayaa waxaa Wafdigu u sii gudbeen Hoolka Doorashada ka soconeyso ee Magaalada Cadaado.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa la hadal haayay kuraas lagu Musuqmaasuqay Doorashooyinka Aqalka Hoose oo la sheegay in dib loogu laabanayo Doorashooyinkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*