ganac_3

Wadooyinka Galkacyo Ayaa Wali Go,an

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kasoo kabsaneysa dagaalo xoogan oo ka socday maalmo badan halkaasi, una dhaxeeyya ciidamada Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Waxaa magaalada dib ugu soo laabtay inta badan dadkii halkaasi ka barakacay, waxa ayna dadku bilaabeen in ay guryahooda ku laabtaan ayna halkaasi kasii wataan noloshooda caadiga ah.

Suuqa magaalada Gaalkacyo ayaa kamid ah goobaha uu saameynta xoogan ku yeeshay dagaalkii Gaalkacyo, Suuqa ayaa wali ganacsigiisa yahay mid xiran, waxaana gudaha Suuqa lagu arkayaa dhufeesyo iyo caro tuur lasoo dhigay.

Ganacsatada Suuqa ayaa sheegay in ay dhibaato xoogan ku qabaan ganacsiga labada dhinac ee kala xiran, waxa ayna ka codsadeen labada maamul in ganacsiga Suuqa dib loo furo loona ogolaado ganacsatada labada dhinac in ay wax is dhaafsadaan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay mid ay kusoo noq noqdeen dagaalada u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland, dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada ayaana saameyn badan ku yeeshay nolkosha dadka iyo ganacsigii magaaladaasi ka jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*