w-1

Waa kuma Dilaaga Qarsoon ee Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari

Waa run in Boosaaso nabadgelyo u baahan tahay, su’aashuse waxay tahay dhinacee uga baahan tahay? Ma shacabkaa u baahan, ma Culimadaa u baahan, ma masuuliyiinta dowladaa u baahan, waa kuma qofka uu maanta amaankiisu sugan yahay?

 

Waxaa xaqiiqo ah in masuuliyiinta si adag loo ilaaliyo goobaha dakhligu ka soo xerroodo, masuuliyiinta qaarkood iyo shakhsiyaad iyagu si madax banana u sameystay ilaalo ay kaga magan galaan aafooyinka ka dhacaya dacalada magaalada Boosaaso.

 

Waxaan ciddina inkiri Karin in goobaha shacabku u badan yahay aysan jirin cid amnigeeda iska xil saarta, taasina ay sababto masuuliyiinta qaarkood in lagu bartilmaameedsado lagu khaarijiyo iyadoo ay dadweynihii ay hubka ka dhigeen hoganayaan.

 

Waxba looma arag dilkii Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska, waxaa markiiba suuqa lala xulay warar been abuur ah oo sheegaya in Warsangeligu is dilayaan, aano qabiilna loo dilay Taliyaha, waxaase indhaha beelaayaashu si fiican u furmeen kolkii la dilay Aadan Gaas Huruuse oo Madaxtooyada Boosaaso Agaasime ka ahaa, waa wareyda ayaa wildhatay, mar kale war laga sii naxo ayaa soo dhacay “Waxaa la dilay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida” xagee lagu dilay ayaa la is weydiiyey “xarunta Maxkamada Horteeda, ka soo horjeedka inta u dhexeysa saldhiga Bartamaha, Qaybta Booliska, Gobolka iyo Bangiga” intuba waa xarumihii ugu ciidanka badnaa dhexdooda madasha lagu qaarijiyey Xeer Ilaaliyaha Allaha u naxariistee.

 

Waxaa kaloo la is weydiiyey yaa dilay “Laba Wiil oo yar yar” oo meeye “Wey baxsadeen” kuwani waa hadaladii la is weydaarsanayey. “Ax eey Ax” oday indho la’ oo hadaladaa ka xanaaqay ayaa sidaas ku calaalay.

 

Boolisku waa dadaalayeen ayaantaan waxay qabqabnayeen dhamaan dhalinyarada wadooyinka maraya ama iskuul ha ka yimeedeen ama ha u socdeen, talaabadan oo aan u qaatay mid lagu sugayo amniga dadweynaha.

 

Goobaha dilku ka dhacay waxaa joogay ciidamo fara badan side wax loogu dilay ayuu weydiiyey, wuxuu ugu jawaabay “maxay sameyn karaan khasnadooda iyo calooshooduba way madhan yihiin” mid kalaa yiri “oo maxaa ka galay sow Istaafyo maaha, nin walba oo askeri aad moodeyso nin qaraabadiisa ah ayuu ilaalinayaa, maxaa khasbaya in uu dhibaato qoorta la galo”

 

Hadda iyo dan Dilaagii qarsoonaa dadkiisuu ka mid yahay, wuu kula fadhiyaa, wuu kula qayilayaa, wuu kula sheekeysanayaa, wuu kula tukanayaa, suuqa ayuu kaala adeeganayaa, xaafada ayuu kula degan yahay, wuu ku yaqaan adiguse ma taqaanid.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*