oic-170x114

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa baaq kasoo saaray abaaraha ka jira deegaano ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya

Bayaan kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in xafiiska horumarinta ee ay ku leeyihiin Soomaaliya uu ka shaqeyn doono sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ku nool gobolada abaaraha iyo macluusha daran ka jirto.

Warbixinta ururka ayaa lagu qeexay in abaaraha ka jira Soomaaliya ay saameyn badan reebeen, maadaama muddo shan xili oo is xiga aan roob laga helin deegaanada qaar oo abaartu ay ka jirto.

Bayaanka waxaa lagu cadeeyay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyaa dadka abaarta ay saameysay, maadaama laga baqayo in deegaano kale ay abaaraha gaaraan.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa waxay shaameeyeen inka badan 700 kun oo ruux, kuwaasi oo biyo la’aan ku heysato deegaanada qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*