toti

Totti oo shaaciyey cidda u diiday inuu ku biiro Ac Milan

Francesco Totti ayaa shaaca ka qaaday in AC Milan ay isku dayday saxiixiisa markuu 13 jir ahaa balse hooyadiis ay diiday dhaqaaqaas.

laacibka kubada cagta Talyaaniga wuxuu u wareegsan lahaa San Siro markuu yaraa, hase yeeshee inuu halkaas u wareego waxaa ka hor yimid hooyadiis Fiorella hadana wuxuu fasal ciyaareedkii 25aad la qaadanayaa kooxdii yaraantiisa.

Halyeyga reer Roma kaas oo hadda u dheelaya fasal ciyaareedkiisii 25 aad kooxda Giallorossi ayaa sidoo kale qirtay inuu qarka u fuulay inuu ka tago Stadio Olimpico kuna biro Real Madrid sanadkii 2004 balse laga dhaadhacshay inuu la sii joogo qoyskiisa iyo kooxda Serie A

Totti ayaa loo balan qaaday inuu noqdo kaaliyaha farsamada kooxda haduu dhamaado fasal ciyaareedka 2016/17 waxayna taas micneheedu tahay in waayihiisii kooxda ee soo bilawday 1989 ay soo gabagaboobaayaan.

Xirfad ciyaareedka Totti ayaa wado kale qaadi lahayd hadii aysan hooyadii Fiorella aysan ku adkaysan lahayn inuu Roma sii joogo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*