Askar-dil-150x150

Toogasho Sababtay Khasaare Nafeed oo ka dhacday Xarunta Doorashada ee Cadaado

Askari ka tirsan Ciidanka Ilaaliya Xarunta Doorashada Magaalada Cadaado ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa Toogasho ku Dilay Nin la sheegay inuu ka soo horjeeday Qaabka loo soo xulay Ergada Beeshiisa.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu Uleeyay dhimashadiisa ka hor Qaar ka mid ah Ergada ay isku haybta yihiin iyo Ciidanka Xarunta  ilaalinayay intaba.

Goobjoogeyaal ayaa Noo Xaqiijiyay in Marxuunka ay Haleeshay Rasaas uu riday mid kamid ah Ciidamada Ilaaliya Xarunta oo uu Halkaas ku Qurbaxay.

Ciidamada ayaa Gacanta ku dhigay Askarigii  Dilka Geystay oo Xabsiga dhigay.

Magaalada Cadaado Maanta waxaa mar kale ka dhacay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*