Tirada Beelaha ka baxay Shirka ka socda Jowhar oo sii kordhay.

Tan iyo wixii ka danbeeyey Markii Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo furay Shirka Maamulka loogu sameenayo Beelaha dega Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,waxaa Magaalada Jowhar soo gaaray Marti badan oo ka qeybgashay Furiraanka Shirka,wixii markaasi ka danbeeyey waxaa gaabis ku jiray Shirka laga furay Jowhar.

Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa waxa ay soo saartay Tirada Odoyaasha soo Xulaya Ergada iyo Xildhibaanada uu yeelanayo maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,waxaana arintaasi si weyn ugu Horyimid Beelaha Dega labada Gobol ee Maamulka loo dhisayo.

Illaa iyo Hadda Waxaa la xaqiijiyey in ay Shirka isaga Baxeen Beelaha kala ah:-

Beesha Xawaadle.
Beesha Gaaljecel
Beesha Baadicadde
Beesha Jajeele
Beesha Jareerweyne
Beesha Caran
Beesha Abgaal
Beesha Habar gadidir.
Beesha Moobleen
Beesha Shiikhaal

Si kastabada Beelaha Qaar ayaa waxa ay sheegeen Haddii sidaan xaalada ku sii socoto in ay dhisanayaan maamul Goboleed u gaar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*