somalia_pinus

Soomaalida oo si weyn uga niyad jabay hadal ka soo yeeray Mareykanka

Maxkamad ku taalla Dalka Mareykanka ayaa markale dib u dhigtay kiiska  3 Ruux oo lagu eedeeyay in ay doonayeen qaadista weerar ka dhan ah masjid Soomaalida ay ku leeyihiin Gobolka Kansas ee Dalkaasi.

Kiiska loo heysto 3-dan Ruux ayaa Maxkamada waxey go’aan ka gaari doontaa 25-ka bisha April ee Sanadda 2017-ka, sida uu shaaciyay Qaaliga Maxkamada oo lagu magacaabo Eric Melgren.

Mr. Eric Melgren ayaa waxuu tilmaamay in dhagaysiga dacwaddan ay ka dhici doonto Magaalada Wichita ee Gobolka Kansas.

Go’aanka Maxkamadan ay markale dib ugu dhigtay Kiiskan ayaa waxuu noqonayaa mid ay si weyn uga niyad jabeen Soomaalida ku nool Dalkaasi Mareykanka.

Eedeysanayaasha maxkamada wajihi doona sanadka soo socda ayaa lagu kala magacaabaa Patrick Stein, Gavin Wright iyo Curtis Allen , kuwaasi oo doonayay in weeraraan masjid ay leeyihiin Soomalida ku dhaqan Gobolka Kansas.

Dhinaca kale, eedeysanayaashan ayaa ku dooday in aysan wax dambi ah la heyn, islamarkaana aysan aheyn kuwa qorsheenayay weerar lagu qaadi rabay Misjidkaasi.

Ugu dambeyn, kiiskan ayaa dib u furmi doona 20-ka bisha 12-aad ee sanadkan 2016-ka, balse kiiska ayaa go’aan waxaa laga gaari doonaan Sanadka soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*