big-news1

Sir Muhiim Ah Oo Laga Helay Ninkii Ka Dambeeyay Qaraxii Dhowaan Ka Dhacay Muqdisho, Argagax Iyo..

Ninkii ka dambeeyey qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee shacabka badan ay ku dhammaadeen ayaa sir aad u badan shaaca ka qaadey taasi oo qalqal xooggan ku beertay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ninkaan ayaa ugu horreyn Sheegay in weerarkaan bartilmaameedkiisu ahaa in la qaarajiyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, balse nasiibka uu saacidey.

Wuxuu sheegay in Qaraxa dhacay kaliya aanu ahaan lahayn ee ay jireen gaadiid kale oo isla halkaasi qaraxyo kala ka fulin lahaa, balse Xasan Sheekh ayaa ka horumaray meesha qaraxa lagu diyaarinayey.

Sidoo kale ninkaan ayaa sheegay in weeraro badan ay Al-shabaab u qorsheeyeen iney ku qaadaan madaxtyooyada Villa Soomaaliya, ugu yaraan 10 qaraxyo ah oo qaarkood uu sheegay in la diyaariyey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamey iney wadeen qorshe ay ku carqaladeen lahaayeen doorashooyinka dalka, islamarkaana mas’uuliyiin iyo rag badan ay doonayeen iney bartilmaameed ka dhigtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*