capture

Shacabka Muqdisho oo saakay jawi cusub ku soo toosay & Amaanka oo la adkeeyay (Maxaa Cusub?)

Waxaa guud ahaan si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,iyadoo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid feejigan lagu arkayo wadooyinka iyo isgoysyada muhiimka ah.

Wadooyin muhiim u ah marida gaadiidka iyo dadweynaha ayaa saakay la xiray,waxaana shacabka u kalahaya goobaha shaqada iyo waxbarashada ay yihiin kuwo lugta maalaya.

Sababta ugu weyn ee wadooyinka loo xiray waxaa ka mid ah u dabaal dagista sanadkaa 73-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya 20-ka Decembar oo maanta ku beegan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa hambalyo u diray Ciidamada Booliska.

boolis-xamar-ramadaan-amniga-sugaan1762015-61-640x360

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*