vlcsnap-2016-12-03-16h49m10s151

SAWIRRO:Sedax Beelood oo kamid ah Beelaha Wuqooye oo si cad ugu soo horjeestay Qaabka loo Maamulay Kuraastii ay lahaayeen.

Odayaasha Dhaqanka ,wax garadka iyo Siyaasiyiinta Sedax Beelood oo kamid ah Beelaha Wuqooyi  ee Somalia oo kala ah Gudabiirse,Ciise iyo Faqashinni ayaa siweyn ugu soo horjeestay qaabka ay u maamusheen Shan Nn oo kamid ah oo Beesha Isaaq ah islamarkaana ku jira Gudiga Fulinta ee Aqalka Sare oo ka koobnaa 7 Qof.

Odayaashan iyo wax garadkan oo lahadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Shantaas Nin ay diideen in wax wada tashi ah ay la yeeshaan Xubnihii kale oo ka soo jeeday Beelaha kale ,waxaana ay Tilmaameen in Liiska ku aadan Musharraxiinta Aqalka Sare ee Beelaha Wuqooyi  ay iskood ugudbiyeen.

“Arrinkaas waxaa uu xad gudub ku yahay Shuruucda Doorashada, Dastuurka Dalka ,Xuquuqda iyo Sharafta Beelaha wax wada leh “ ayey yiraahdeen Siyaasiyiintii iyo wax garadkii Kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo ay sheegeen in Fashilaad ay ku timid Musharraxiintii Aqalka Sare ee Beelahan ,iyagoo isku raacay in Nidaamkan uu yahay mid qalad ku ah hanaanka Doorashada Aqalka Sare.

vlcsnap-2016-12-03-16h49m10s151vlcsnap-2016-12-03-16h48m51s207vlcsnap-2016-12-03-16h48m38s47vlcsnap-2016-12-03-16h46m57s102vlcsnap-2016-12-03-16h47m18s42

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*