capture

Sawirro: Wiil isku dayey inuu toogasho ku dilo Donald Trump oo la xukumay

Wiil British ah ayaa lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu isku dayay inuu qori xoogo si uu u dilo Donald Trump.

Michael Sandford oo labaatan jir ah ayaa dambigaaas qirtay bishii sagaalaad, Waxaana lagu eedeeyay in uu qori ka xoogay askari ku sugnaa isu soo bax lagu qabtay Las Vegas si uu u dilo Trump oo markaaas murashax ahaa, goobtana taageeraashiisa kula hadlayey.

Wilkan Hooyadii ayaa sheegtay inuu aad aga xun yahay ficilkii uu ku kacay, uuna si weyn uga qomameyey, waxayna codsatay in xabsiga loo qafiifiyo.

Dacwad oogeyaasha ayaa markii hore doonayay in Sandford lagu xukumo 10 sano oo xabsi ah maadaama uu qorsheeyay dil, balse Qareenada u doodaya wiilkan ayaa sheegaya inuu qabo walwal iyo baqdin xad dhaaf ah.

Maxkamada ayaa dhagaysatay dalab ku aadan in la sii daayo afar bilood ka dib, intaas wixii ka dambeeyana loo masaafuriyo Britain hase ahaate illaa hadda go’aan kama gaarin weli.

sn1

sn2

sn3

sn4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*