fash2

SAWIRRO: : Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa la sheegay iney magaalada Muqdisho ku qabteen gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidanka nabad sugidu ay gaari noociisu yahay Kaarib oo soo lagu soo xiray Qarax, ka qabteen agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ku yaalla dagmada Xamar-weyne.

C/fitaax Cumar Xalane ayaa intaa ku daray in ciidamada ku guuleysteen fur-furidda waxyaabo qarxa oo gaarigaas lagu soo raray.

“Gaarigan qaraxa laga soo buuxiyey waxaa goobta soo dhigay kooxaha argagaxisada iyagoo ujeedkoodu yahay iney shacabka Soomaaliyeed xasuuqaan balse ILAAHAY mahadii waa laga hor tegay” ayuu intaa ku daray C/fitaax Cumar Xalane.






 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*