xalab13

SAWIRRO: Gaadiid keligood iswada oo markii ugu horeysay la howlgalay

Shirkadda Uber ayaa ka bilowday adeegga Baabuurta kaligood iswada ee tagaasida magaalada San-Farancisco ee dalka Maraykanka, iyadoo saacado ka dib markii ay bilowday adeega lagu amray iney joojiso.

Hayadaha California ee sharciyada gaadiidka ayaa u digtay shirkadda, waxayna ku amartay inay joojiso adeega, ayna ogolaansho ka hesho gobolka ama haddii kale ay la kulmi doonto tallaabo sharci ah oo laga qaado.

Uber ayaa bilowday inay macaamiisha siiso fursad ay ku doortaan baabuur iswada oo uu la socdo darawal si deg deg ula wareegi kara markii ay dalbanayaan tagaasida.

Muuqaal la soo galiyay You-Tube-ka ayaa muujinaya baabuurtan oo ka gudbaya nalka gaduudan ee baabuurta iyo dadka kala haga ee magaalada San Francisco.

Uber ayaa uga jawaabtay dhacdadan iyo mid kale oo la mid ah inay ahayd qalad bini’aadan oo ay baarayso sababta keentay.

“Haddii Uber aysan xaqiijin inay joojinayso si dhaqso ah adeegan ay bilaabayso oo aysan qaadan ogolaansho shaqo, Wasaarada Gaadiidka waxay ka qaadaysaa tallaabo sharci ah,” ayaa lagu yiri qoraal wasaaradu u dirtay shirkadda Uber.

Hase ahaatee Anthony Levandowski, oo ah madaxa teknoolajiyada casriga ee Uber ayaa sheegay in shirkadda aysan u baahneyn ogolaasho shaqo inay u hesho baabuurteeda iswada.

“Waxaan aaminsanahay inaysan ogolaansho u baahnayn baabuurta iswadda ee Uber maadaama ay la socdaan darawal la wareegi kara baabuurta markii loo baahdo” ayuu yiri Anthony Levandowski.

xalab12

xalab13

xalab14

xalab15

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*