capture

(SAWIRO): Meydadka Labo ruux oo laga helay meel ku dhow Hotel Peace

Meydad hor leh ayaa laga soo saaray dhismo ku dhow goobihii maalin ka hor ay ka dhaceen Qaraxyadii ay soo abaabuleen Al-shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in meydadka laga soo saaray dhismo ku dhow Hotelka Peace oo Qaraxyada ay saameyn ku yeesheen.

Meydadka la soo saaray ayaa lagu sheegay Labo Qof oo rayid ah oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney gurigeeda Qaraxa uu ugu tagay.

Kooxaha gurmadka ayaa wali goobaha ka agdhow halka ay qaraxyada ka dhaceen ka wada baaritaan xoogan oo lagu doonayo jiritaanka dad wali dhismyaasha ku xaniban.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*