dsc09883-300x169

SAWIRO: Ciidamadii Mareynkanka uu ku laayay G/kacyo oo taalo loo dhisayo..

Maamulka Galmudug ayaa u dhaqaaqay in taalo loo dhiso Ciidamadii dhawaan duqeynta ay ku laayeen Mareynkanka,kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa dhagax dhigay goobta taalada laga taagayo.

Goobta Taallada laga dhagax dhigay ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa qurbo joog badan oo kasoo jeeda degaanada Maamulka Galmudug.

 Dhismaha Taalada ayaa waxaa horboodaya Qurba joog ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Dowladda Mareykanka ayaa duqeyntaasi qiratay waxaana ay ka bixisay Raali gelin , sidoo kale waxa ay balan qaaday in ay bixinayso Magdhow.

dsc09874-300x169 dsc09876-300x169 dsc09883-300x169 dsc09886-300x169 dsc09892-300x169 dsc09896bbbb-300x169 dsc09907-300x169

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*