madoobe-2

SAWIRO: Axmed Madoobe oo shir aan caadi ahayn la yeeshay Wasiirada..

Shir u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Jubba Land iyo Golihiisa Wasiirada ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubba Land.

Shirka oo caadi ahayn ayaa waxaa looga hadlay xaalada amni iyo waliba dagaaladii ugu danbeeyay ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayen Labada Madaxweyne ku xigeen iyo dhamaan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn ayaa waxaa Madaxweynahu uu Wasiirada uga xog waramay xaaladahii u danbeeyay ee Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Dagaalo adag oo Ciidamada qalabka sida ay la galeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dagaalo adag oo ka dhacay deeganada Beerxaani iyo Golashimbi ay Ciidamada qalabka sida halkaas ku dileen qaar badan oo kamid ah Kooxaha Nabad diidka ah oo dhibaato badan ku hayay dadka Xoolo dhaqatada ah.

Waxa uu xusay in ay Talaabo adag Ciidamadu ka qaadeen oo ay ka soo furteen qaar badan oo kamid ah Xoolahii ay afduubka u haysteen kuwa kalena ay ku daba jiraan.

Maamulka Jubba Land ayaa ugu baaqay shacabka iney la dagaalamaan iskana dhiciyaan ururka Al-shabaab.

madoobe-1madoobe-2madoobe-3madoobe-4madoobe-5

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*