Salaad

Salaad C. Jeelle “Waqtigan cid Madax ah oo warqadeydu shaqeyneyso ma jirto”

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah isbaheysiga Xisbiyada siyaasada ee mucaaradka ah ayaa sheegay in amarada xilligan ka soo baxaya Madaxda dowladda aanay aheyn kuwo shaqeynaya, isagoo ka digay in dalka fowdo lagu geliyo.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in waqtiga dowladda uu dhamaaday, isla markaana warqadaha sida gaar gaarka uga soo baxaya Madaxda dowladda aanay aheyn kuwo saameyn leh.

“Waqtigan cid madax ah oo warqad inta soo saarta saameyn leh haba yaraatee ma jirto, mana Hirgelin kart. maxaa yeelay dalka doorasho ayuu ku jiraa, waqtiga dowladdana waa dhamaaday, Musharaxiintana waa siman yihiin”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Mr Salaad ayaa sheegaya in warqadaha amarada ee ka soo baxaya Madaxda dowladda la rabo in dalka fowdo lagu geliyo, isagoo tilmaamay in wixii ka yimaada ay mas’uuliyadeeda iyaga qaadi doonaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*