download-150x150

Puntland oo Digniin adag soo saartay (Maxaa Cusub?)

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee ka socda Dalka.
Waxa uu sheegay kooramka xildhibaanada in uusan xalaal noqon doonin ilaa ay ka soo dhameystirmaan xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo hada ay socoto Doorashadooda.

C/xakiin (Camey) ayaa waxa uu sheegay marka ay xalaal noqonayaan in ay tahay waqtiga ay soo dhameystirmaan labada xubnood, isagoo sidoo kale sheegay da dejinta Doorashooyinka in dano gaar ah laga leeyahay.
Dhinaca kale C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la joojiyo ficilada aan loo baahneyn in la sameeyo.
Waxa uu sheegay shaqsiyaad gaar ah in ay wadaan arrimo ka baxsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madasha Qaran, taasina mar walba uusan aqbali doonin Maamulka Puntland.
Dhowaan ayay aheyd markii Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ay sheegeen in la helay kooramkii uu ku furmi lahaa kulanka xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*