Gaas-hadal-280x175

Puntland oo beenisay in Safiir ay u magacowday Ethoipia

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa beeniyey warar ay maanta baahiyeen qaar ka mid ah saxaafada Soomaalida oo sheegayey safiir ay Puntland u magacowday dalka Itoobiya.

Soocadde ayaa been abuur iyo wax kama jiraan ku tilmaamay warqad la sheegay iney ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas taasoo lagu magacaabay wakiilka Puntland fadhin doona dalka Itoobiya.

“Ma jirto wax safiir ah oo Puntland ay u magacowday dalka Itoobiya, waana been abuur wararka arintaas sheegaya ee ay qoreen warbaahinta Soomaalida qaarkood” ayuu yiri Soocadde.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku tilmaamay warkan mid lagu jahwareerinayo bulshada, loogana been abuurtay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Qaar ka mid ah websiteyada Soomaalida iyo baraha bulshada ayaa maanta lagu baahiyey warqad la sheegay iney ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland taasoo sheegay in la magacaabay safiirka maamulkaas wakill uga noqonaya dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*