russia-us

Obama oo ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan Ruushka, kadib Weerarkii…

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ballan qaaday aargudasho dhanka ruushka ah kaddib weerarkii dhanka internetka ahaa ee uu kusoo qaaday doorashadii dhawaan dhacday ee Mareykanka.

Obama ayaa sheegay in aargudashadan oo dhor nooc noqon doonta qaarkood la shaacin doono, qaarka kalena si hoose loo fulin doono.

Waxa uu madaxweyne Obama sheegay in arrintan uu kala hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, uuna u caddeeyay in arrintan ay cawaaqib xumo keeni karto.

Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa warbixin ay dhawaan soo saareen waxa ay ku caddeeyeen in ruushku uu faragelin ku sameeyay doorashadii dhawaan ka dhacday Mareykanka ee uu kusoo baxay Donald Trump.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Ruushku Vladimir Putin uu shakhsiyan gacan ku lahaa weeraradaasi dhanta internetka ah ee lagu qaaday xisbiga dimiquraaddiga dalka Mareykanka xilligii doorashada.

russia-us

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*