capture

Nabadoon caan ahaa uu lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in Xalay Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho ay ku Dileen Nabadoon caan ahaa.

Nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhoore ayaa labo Ruux waxey ku toogteen Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Nabdoonka uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukadalay Salaada Cishaha markii la dilayay.

Nabadoonkan ayaa sidoo kale waxuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Dableydii Dilka Nabadoonka fulisay ayaa isaga baxsaday goobta.

Tobanaan ka mid ah Ciidamada amaanka oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo, blse weli lama soo sheegin hadii la soo qabtay Dableydii Dilka ka dambeysay.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho oo ku aadan Dilka Nabadoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*